|
|
|
Shirkada Ganacsiga Caalamiga Ah Ee Omaar (OMINCO) Oo Wada Talaabooyin Sicir-bararka Wax Lagaga Qabanayo Posted in July 25th, 2008 Boorama-Lug)-Waxa maanta magaalada Boorama soo gaadhay 3 baabuur oo ah nooca looyaqaan Waaraadka oo sida shixnado bariis ah oo lagu qiyaasay 1350 kiis oo bariis ah, sixnadahan ayaa waxa ay u rarnaayeen shirkada ganacsiga caalamiga ah ee Omaar oo marka magaceeda la soo gaabiyo loogu yeedho “OMINCO”. Mid ka mid ah shaqaalaha OMINCO ee magaalada Boorama Md.Maxamed Cali Cismaan oo ay Shabakada wararka ee Lughayanews waxa ka waydiisay ujeedada shixnadahan bariiska ahi ay boorama u soo gaadheen ayaa tilmaamay in Shirkadan caalamiga ah ee OMINCO ay had iyo jeer ku hawlan tahay sidii ay wax uga qaban lahayd duruufaha adag e bulshada soo food-saara, isla markaana ay raashinkan bariiska ah ee maanta soo gaadhay magaalada Boorama uu yahay mid ay ugu talo galeen in uu wax ka taro baahida ay dadku u qabaan iibsashada bariiska. ![]() Md. Maxamed Cali Cismaan isaga oo ka waramaya sida ay shirkadan OMINCO ugu talo gashay in ay sicirka bariiska hoos ugu dhigto ayaa waxa uu yidhi ” Waxa aan u dajina hawashan qorshe aad u balaadhan ugu horayn waxa aan isku daynay in aan ganacsatada raashinka ee magaalada Boorama iyo magaalooyinka kalaba u fududayno helida bariiska waxana aan kaga soo daabulnay dekada Berbera baabuur ay shirkadu leedahay. talaabadan ayaan ugu talo galnay in aan meesha ka saarno qarashaadkii ganacsatada kaga bixi jiray daabulida raajinka gaar ahaan bariiska waxana maanta magaalada Boorama aan qiimaha kabdaba bariiska ahi uu la mid yahay intii uu ka ahaa magaalada dekada Berbera. Waxana isaga oo wali ka waramaya waxayaabaha kale ee ay shirkadu u qorshaysay in ay kula tacaasho sicir-bararka ayaa waxa uuyidhi ” waxa kale oo iyaduna muhiim ah in aan gabi ahaanba ganacsatada sii iibisa maciishada u diyaarinay hab fudud oo u adeegaya oo ay ka heli karaan bariis jaban oo qiimihiisu uu dhan yahay kii dekeda Berbera oo dhan $43,Halka uu marka kale ka yahay $47 in ku dhow. Talaabadan ayaa waxa ay tahay mid wax wayn ka taraysa xakamaynta qiimaha bariiska sababta oo ah waxa meesha ka bixi doona saamayntii xooga waynayd ee ay ganacsatada jumlada iibisaa ku lahayd suuqyada iibka, waxan ay tahay mid ay Shirkada OMINCO doonayso in ay door muhiim ah ka ciyaarto goynta sicirka iyo xakamaynta sicir bararka. ![]() Ma aha inan oo kaliya balse shirkada OMINCO ayaa sida uu sheegay Maamulaha xafiiskeeda Boorama waxa ay dadaal wayn u gashay sidii ay maciishada quutal daruuriga ah gaar ahaan bariisku uu u nogon lahaa mid aanan marnaba kala go’in oo si joogto ah u yimaada magaalada Boorama iyo magaalooyinka kale ee gobolada AWDAL iyo SALAL-ba, waxana uu maamuluhu intaasi daba dhigay ” Baabuurta xamuulka ee shirkada ayaa u diyaar ah in ay Bariiska iyo raashinka kale ee quutal daruuriga ahba ka soo daabulaan dekeda Berbera isla markaana gaadhsiiyaan goobwalba oo ku taala gobolkan waxa taasi suura galinaya shirkada oo leh ama haysata kaydka bariiska ah ee ugu balaadhan dalka oo loogu talo galay in bulshada laga haqab tiro helida bariis qiimihiisu uu macquul yahay oo ay ka heli karaan kolba meesha ugu dhow”. ![]() Talaabooyinkan horta leh ee ay bilawday shirkada caamaliga ah ee Omaar(OMINCO) ayaa waxa ay yihiin kuwo si wayn loo sugayo oo wax wayn ka rari doona sidii loola tacaali lahaa qiimaha maciishada ee dunida oo dhan kor uga kacay, sidaasi oo kale waxa ay talaabooyinkani yihiin kuwo si gaar ah looga dareemi doono suuqyada ganacsiga maceeshada ee magaalooyinka waawayn ee gobolada Awdal iyo salal, sabaa oo ah SHirkada OMINCO oo aalaaba ah lafdhabarta ganacsiga bariiska ee dalka Somaliland. ![]() |






Abhiram Seth